@Sawirka:-Google
HORDHAC
Waxaa xaqiiqo ah in akhrinta buugaagta ay ballaarinayso ama
hormarineyso maskaxdaada. Maskaxda waa muruq Waxayna u baahan tahay jimicsi. Sidoo kale akhrintu waxey hormarineysaa ereyadaada,
xirfadahaaga si hufan oo ka muuqasho leh bulshada dhaxdeeda. Mawduuca ugu
muhiimsan ee loo tixgeliyo inuu yahay akhristu waa akhrinta buugaagta. Wax
akhrisku wuxuu kor u qaadaa meeqaamka uu qofku bulshadiisa ku dhex-leeyahay,
waayo qofku wuxuu bulshadiisa la wadaagaa waa wixii uu ka helay Buugtii uu soo
akhristay.
Aqoonta inteeda badani waxa ay ku keydsan tahay Buugta kal duwan ee
dunida dacaladeeda kala taala. Akhrintu waa raadinta runta, iyo raadinta
quruxda fikirka guud. Sidoo kale Sidaan ogsoonahay wax akhrinta waxaa lagu sheegay Qur’aanka
kariimka ah waliba Aayadii ugu horeeysay ee Nabigeena Muhamed SCW kusoo dagtay waxeey
tilmaameysay wax akhrinta “اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَق “ “Akhri Magaca rabigaa kaa oo adiga ku
abuuray” baa ladhahay Nabigeena sharafta leh taa waxeey cadeeyneysaa in wax
akhrinta muhiimad aan lasoo koobi Karin eey leedahay.
HORMAR
Sida la og yahay, qof kasta oo akhriya buugaagta wuxuu sheegi karaa
ama gudbin kawaa fikradiisa, dareenkiisa sida uu udoonayo inuu muujiyo iyada oo
aan dhibaato haysan, daahfurnaan iyo xayiraad.
Habka ugu wanaagsan ee wax loo baran waa ayadoo loo sii marayo akhrinta
buugaagta, bulsho wax akhrisa ayaa noqon doonta bulsho hormarsan. Dadka wax akhriya
waa dad ka cimri dheer dadka kale sababtoo ah waxay tariikh iyo fikarado ka
hayaan dadkii boqolaalsano ka horeyay waxayna
tariikh iyo fikrado fican ugu tagaan dadka ka danbeya yagoo usii reeba qoraal ama usii gudbinaya
taariikhda ayaga akhristeen.
Buuga waqti iyo da’ midoodna maheysto kaliya wuxuu ubaahanyahay akhriste.
Qofkasta wuu aqrin karaa buug ilaa inta naftiisa uu ugu sheekeynayo waad aqrinkartaa
buugaagta. Dadka kuwooda aqriya buugaagta waxey umuuqdaan kuwo aan caajisin ama
walwalkooda yaryahay.
FAAIDOYINKA AQRISKA
Dunida dadka akhriya buugaagta way ka duwan yihiin dadka kale Marka
ay la hadlayaan dadka ama ay ka hadlayaan fagaarayaasha sidoo kale markey wax
qorayaan dadka kale weey ka duwanyihiin. Akhrinta bugaaga kala duwan waxey ka
qiimo badan tahy lacago dollar ah. Faa’idooyinka wax akhriska halkaan laguma
soo koobi karo, waxaana ka mid ah:
v Akhrinta buug waa daawo.
v Akhrisku wuxuu kobciyaa maskaxda
v Akhrisku wuxuu yareeyaa walwalka ama Cadaadiska qofka saaran
v Akhrisku wuxuu furaa maskaxda
v Akhrisku wuxuu kobciyaa erayadaada
v Akhrisku wuxuu wuxu
toosinaya dhaqankeena guud.
v Akhrisku wuxuu bedelayaa
muuqaalkeena adduunka.
v Akhrisku wuxuu xoojiyaa
guusha nolosha,
v Akhrisku wuxuu Horumarinta
ra'yigeena.
GABAGABO
Hadii aad doontid inaa aqriso Buug, lkn Wali aan la qorin buugaas,
Hadaba waa inaad adiga qortaa. Maskaxdaada dhalaali oo wax uun soo kordhi. Si dadka
kaa danbeeya tusaale iyo raad raac aad ugu noqotid.
Mahadsanidiin
![]() |
Abdirizak Ali Tajir |
![]() |
Abdirizak Ali Tajir |
Qoraa:- Abdirizak Ali Tajir
Kala xiriir:- 00905531710490/
00252615587465/ 00252615206230/ 00252615825475
Cinwan:- crisaaqali@gmail.com
No comments:
Post a Comment
Thanks