@sawirka:- Google
Galleyda (Maize) ayaa sidoo kale loo yaqaanaa Hadhuudh(Corn)
Galleydu waxey kamid tahy dalagyada koowaad ee wadanka laga soo saaro, sidoo
kale waa dalgyada ugu muhiimsan Dakhli ahaan iyo cuno ahaan. Ayadoo loo
isticmaalo waxyaalo kawala duwan. Galleyda waxaa loo isticmaalaa cuntada
hadhuudhka ah ee dadku isticmaalaan, xoolaha ayaa sidoo kale loo isticmaalaa in
lagu quudiyo .
Waxaa sidoo kale loo isticmaalaa in laga soo saaro walxa kala duwan
ayadoo loo isticmaalayo warshadeeyn sida:
Ø Saliid
Ø Cabitaanka khamriga
Ø Daawada
Ø Cuntada macaan
Ø Walxaha la isku qurxiyo
Ø Dharka
Ø Warqadaha
Magaca cilmiyeedka ee galleyda waa (Zea mays) waxaana
hoostagaa ama la xiriiraa qoyska cowska (family of grasses) (Poaceae).
CIMILADA GALLEYDU UBAAHANTAHAY
Dalagyada galleyda guud ahaan, waxay kukoraan ama ee ubaahanyihiin
heerkul gaaraya 22 ° C ilaa 30 ° C waxayna ugu badnaan ubaahanyihiin ama
kubixi karaan heerkulka sareeye ee gaaraya 35 ° C. Sanadkiiba halka dalag
ee galley ah waxuu u baahan yahay ugu yaraan 50 illaa 90 cm oo ah roobab.
CARRADA KU HABOON IN LOO ISTICMAALO BEERIDA GALLEYDA
Beeridda miraha Galleydu waxaa lagu beeri karaa carroyin
kala duwan sida carro dhoobo dhoobo ah ama carro dhoobooy(clay loam),
carada bacaadka ah (sand loamy) , iyo carrada madow ee furfuran (black cotton
soil). Haddii aad rabto koror wanaagsan oo dalagga galley ah dooro ama ku beer
carro wanaagsan oo leh maaddooyin dabiici ah oo wanaagsan kuwaa oo leh awooda
sare ee heysashada biyaha. Beerashada Galleyda cabir ahaan (Potential of
hydrogen PH )oo ah ciidda looga baahan yahay waa inuu ahaadaa 5.5
ilaa 7.0. inta aadan beerin dalaga waxaa haboon in ciida la ogaado lana cabiro
si loo ogaado yaraanta qiimaha nafaqo ee kamaqan ciida.
DIYAARINTA DHULKA
Ka hor beerashada galleyda waa inaad udiyaarisaa dhulka adoo
isticmaalaya makiinada ama cakaf cakafta iyo Dibida lagu falo beerta si beertu
unoqoto mid udiyaarsan beerida Galleyda.
Ugu horeeyn waxaa sameyneysa waxaad ka saareysaa beerta geedaha
waaweyn. Marka xigta waxaad ka gurtay ayaad kudhaxgubeeysaa beerta dhaxdeeda.
Kadib 5 -13 cm ayaa hoos loo qodayaa dhulka adigoo isticmaalaya cakaf ama
xayawaan. Arbush ayaa ku xijineysaa si burarkii carada uyaryaraadaan caradana
unoqoto mid fur furan.
Ujeedada ugu weyn ee diyaarinta dhulka waa in la xakameeyo
waxyaabaha aan loobaahneeyn ee kuyaala beerta, sidoo kale si loo hagaajiyo
awoodda heysashada biyaha iyo Si fudud u nuugista qoyaanka xididada dalagana u
fududaato inuu koro ama carada uduso nafaqada iyo biyahana si fudud uu kusoo
qaato.
ABUURKA GALLEYDA IYO QAABKA ABUURKA
Beerashada Galleyda 10 ilaa 11 kiilo oo abuur galleey ah ayaa
udiyaarineysaa inaad ku beerto 1hecter oo beer ah.
10 cm (sintii mitir) ayaad udhaxeysiineysaa labada geed ee Galleyda
ahsidoo kale halkii god waxaa kurideysaa 2 ilaa 3 xabo oo miro ah.
BACRIMINTA LOO ISTICMAALO GALLEYDA
Guud ahaan beeraley kasta wuxuu isticmaalaa bacrimin ama yuraayo
xiliga uu diyaarinayo dhulka uu ku beeran lahaa galleyda lkn hadii aad rabto
wax soo saar fiican waa inaad isticmaashaa Bacrimiyaasha soo socda halkii
heceter walba
Ø Super phosphate: 470 kg
Ø Urea: 200 kg
Ø Potash : 180 kg
Sidoo kale 20 maalmood kadib waxaad isticmaaleysaa Urea: 50 to 60
kg halkii hecter walba
Sidoo kale 40 maalin kadib markaad beertay waxaad isticmaaleysaa
bacriminta soosocto si wax soo saar fiican aad uhesho
Ø Urea: 120 kg
Ø Potash: 50 kg
Qoraa:- Abdirizak Ali Tajir
Kala xiriir:- 00905531710490/ 00252615587465/ 00252615206230/ 00252615825475
Cinwan:- crisaaqali@gmail.com
Thnks for your sharing
ReplyDelete