Friday, March 11, 2022

1st International Conference on Sustainable Ecological Agriculture (1 st ICSEA)

 



Waxaan ka qaybgalay (1st International Conference on Sustainable Ecological Agriculture (1 st ICSEA) kaas oo lagu qabtay Konya, Turkiga.

Shirku wuxuu fursad weyn siinayay shirkadaha agabka beeraha, beeraleyda, ganacsatada, ardayda, aqoonyahanada ku sugan adduunka oo dhan si ay u wadaagaan aqoonta iyo waayo-aragnimada ku saabsan baridda iyo cilmi-baarista ee beeraha iyo deegaanka.

Bandhiga Beeraha ee Konya wuxuu martigeliyay 304,855 booqdayaal oo ka kala yimid 101 waddan iyo 72 gobol oo ka tirsab Turkiga wuxuu soconayay muddo 5 maalmood ah iyada oo ay ka qaybgaleen 441 shirkadood iyo wakiillo shirkadeed oo ka kala socda 20 waddan. kuwaasoo soo bandhigayay tiknolijiyadii ugu danbeysay ee loo isticmaalo beeraha

sidoo kale waxaa halkaa laga soo jeediyay in ka badan 200 cilmi baaris oo laga kala sameysay daafaha dunida. Anigoo ka faaideysana cazuumad la ii siiyay waxaa halkaas ka jeediyay (Agricultural Structure in Somalia) hab-qaab dhismeedka beeraha Somalia.







1 comment:

  1. M.allaah walal abdirizak aqoonyahan an ku kasoonahay guuleeyso allaha na ku xafido insha.alllaah

    ReplyDelete

Thanks