Saturday, January 12, 2019

HA KA FOGAAN BEERASHO


xuquuqda sawirka :-Google https://www.bentoli.com/commercial-farming-agriculture


Ha ka fogaanin beerasho,
Ha ka welwelin goosasho,
Ha u hoorsan gacmaha cid kale,
Ha u dulaalin duulal kale,  
Iska ilaali dhididka walaalkaa.



Waxaad goosato xiliga barwaaqada,
waxaad cuni kartaa xilliga jiilaalka,
Waxaa  mahad naq kaa mudan eebe,
Waxaad ku faraxsan tahay beerasho,
Iska ilaali dhididka walaalkaa.



Markii aad noqoto  beeraley,
Xubnahaagu weey isbeddeli,
Markii aad noqoto  beeraley,
Maalmahaagu way isbeddeli,
IIska ilaali dhididka walaalkaa.



Waad ka daalan tahay beerashada,
Waxaad diiradda saartaa  hoorsashada,
Waxaad dan moodaa kaalmada,
Waxaad u bareertaa dabandaabyada,
Ha ka fogaanin beerasho,
Iska ilaali dhididka, walaalka kale.






Erayada:- Abdirizak Ali Tajir

Qoraa:- Abdirizak Ali Tajir

Kala xiriir:- 00905531710490/ 00252615587465/ 00252615206230/ 00252615825475


Cinwan:- crisaaqali@gmail.com




No comments:

Post a Comment

Thanks