Saturday, January 12, 2019

MAANTA IYO BERRI


@sawirka:- Google imgae



Waxaad dhalatay shalay, hadii hada aad manta tahay labaatan jir (20 years). Biri waxaa badali doontaan booska Aabo iyo Hooyo. 

Waqtigu dhaqsi badanaa oo orod badanaa? Maanta waxaa tahay dhalinyaro ama waad yartahay  biri waad duqoobi doontaa ama waxaad gaari doontaa xiliga da’da.

Maxay lamacno tahay marka Maanta iyo Biri? Maanta waad yartahay, biri da’ ayaa tahay.


Dhalinyaro iyo Duqnimo (da’nimo) waa sida cirka iyo dhulka, waa sida qoraxda iyo dayaxa, waa sida maalin iyo habeen, waa sida cadaan iyo madoow.

Side bini aadamka unoqdaa dhalinyaro? Xiliga dhalinyarada aad tahay waxaad leedahay awood, tamar, kalsooni, laakiin magaranayaan nolosha oo dhan kaliya waxay laciyaaran riyooyinkooda weeyna iska cunaan. Laakiin xili waxaa jirta aad ka qoomameeyn doonto waxa aad sameysay
Markii aad duqoowdo (gaboowdo) waxaad luminaysaa xoogaaga, tamartaada, kalsoonidaada, laakiin waxaad heleysaa khibrad. Mararka qaar dadka gaboobo waxey lamid noqdaan caruurta ugu danbeyn ayaga oo luminaya xasuustooda.

Waligaa ma la kulantay oo ma eegtay qof da’ ah ama gaboobay indhahiisa? Waxaad arkeysaa ama kaaga muuqanaya  raad raac nololeed.

Ku noolaanshaha inta aad da 'yar tahay marnaba ha ku dhaafin berrito, sababtoo ah waad ka shalaayi kartaa mar dambe. Samee wixii aadan sameynin markaad da 'yar tahay kuma sameyn doontid markaad gaboowdo, fiiri meel waliba sababtoo ah markaad da 'weynaato ama gaboowdo  ma heli kartid fursad aad ku sameysid, waad xasuusan doontaa oo keliya.

Hada waxaad tahay qof da’ yar(dhalinyaro) hortaada waxaa ah Da’ weeyn(Duqnimo) ka gaashaamo intaad waqtiga heeysato. Hadal baa dhahaya 2 daawo maleh Duqnimo iyo Doqnimo.

Waxan kusoo gababeynayaa tixdaan
Da'yar baa la wada yahay,
Dadku wada qorxoonoo,
Gabow iyo duqnimo jirin,
Danta guud iyo hormarkena,
Dib iyo biri yaan udhigan.





Qoraa:- Abdirizak Ali Tajir
Kala xiriir:- 00905531710490/ 00252615587465/ 00252615206230/ 00252615825475
Cinwan:- crisaaqali@gmail.com

No comments:

Post a Comment

Thanks