Thursday, May 6, 2021

QAB IYO QAX

 

QAB IYO QAX





Qabkii mudada badneed lagu maawelinayay Dadka Soomaliyed oo isku badalay ama sababay Qax iyo Qaxooti ayadoo lajoogo Qarnigii 21aad. Dhaqankii Farmaajo wuxuu dhalay in bulshada Soomaalidu aysan ahayn waddaniyiin, in yar oo fara ku tiris ah mooyee, waxaa taas u sii dheer waa duul xiiso badan oo hadba dal cusub u hayaama ama Dal kale ku booba cadaawtooyo dhaxal u noqon doonto Soomalida iyo Jiilka danbe.

Belaayada ugu darran iyo dhibaatada ugu culus ee Maamul ama Madax soo foodsaarta, waxay tahay markay isku dhex yaacdo oo la kala garan-waayo: danta guud iyo danta gaar, nacabka iyo nasteexa, cadowga iyo saaxiibka, shisheeyaha iyo sokeeyaha, wadani iyo muwaadin.

Taariikhdu waa mid dhigan, dhambaaley uruurisaa, dhacdiyo mid la dhowrayoba. Muhiimaddda ugu weyn ee loo diiiwaangeliyo taariikhda, waxay tahay in la barto xumaan iyo samaan wixii dhacay

sooyaalka.

QABKII OO DASTUURKA DALKA IS BADAL KU SAMEEYAY

  1. Soomaaliweyn waxuu ku beddelay - Soomaali yar-yar
  2. Dimoqoraadiyad waxuu ku beddelay - Digtatooriyad
  3. Dan guud waxuu ku beddelay - Dan gaar
  4. Gole baarlamaan wuxuu ku badaly - Gole gaabsi
  5. Wasiir waxuu ku beddelay - Dilaa-sare
  6. Maxkamadihii dastuurka waxuu ku beddelay - Maxkamad farmaajo
  7. Siyaasi waxuu ku beddelay - Qabqable
  8. Aqoonyahan waxuu ku beddelay - Dagaalyahan
  9. Indheergarato waxuu ku beddelay - Afmiishaar
  10. Saraakiil waxuu ku beddelay - Rijaalul Seben
  11. Ugaas waxuu ku beddelay - Afarjeeble
  12. Xeelad waxuu ku beddelay - Xoog
  13. Xukun waxuu ku beddelay - Xabad
  14. Nabad waxaa beddelay - Colaad

 

GUNAANAD

Nabi MUXAMED-nnkh- wuxuu yiri “qofkii wax wanaagsan jideeya, wuxuu leeyahay ajirkeeda iyo dadka ku raaca ama uga dayda ajirkooda oo kale. Qofkii munkar iyo xumaan jideeya wuxuu helayaa dembigeeda iyo dadka ku raaca ama uga dayda dembigooda oo kale”. Haddaba Kumanaanka CBB ee Farmaajo 4 tiisa sano lagu aas-aasay ajar iyo eedba waxaa loo nisbayn doonaa Kali-Telis Farmaajo

Rag badan ayaa hidde raacay Kali-Telis Farmaajo, waxayna dalka u horseedeen qabyaalad, qalalaase iyo qaranjab. Kali-Telis Farmaajo inuu sababay Qax iyo Qaxooti 2021 waa mucjiso maanka fayow diidan yahay iyo waxaan la sugeyn oo weliba aan la sii saadaalin.


Qoraa:- Abdirizak Ali Tajir

Kala xiriir:- 00905531710490/ 00252615587465/ 00252615206230/ 00252615825475

Cinwan:- crisaaqali@gmail.com


No comments:

Post a Comment

Thanks