Thursday, August 27, 2020

MAXAA HIRSHABALLOOY KU LA HABOON?

 




Ka sokoow col-shisheeyaha iyo col-kalkaalka ku soo duulay oo gumaadaayo dalka, dadka iyo duunyadii Soomaliyed.
Hadii cod kuu hadla iyo cudud kuu hiilisa ka weyday xubnahaaga kugu matala dawlad-u-yaalka federalka ee aad ka tirsantahay, mid guud iyo mid gaar ahaaneedba.
Hadii dareen kuu damqada aad ka weysay intii badnayd Ugaasyadaadi, Isimadaadi, Imaamyadaadi, Wabaradaadi. Maxaa Hirshaballooy ku la Haboon?

 Maxaa kula haboon? 

  • Waxaa ku la haboon inaad ogaato ama garato in maanta maamulkaaga iyo dhulkaaga uusan xor ahayn, dawlad qummanna lahayn oo u adeegta dadkaaga dagan hirshabeelle.
  • Waxaa ku la gudboon inaad ogaato in Maamulada wadanka kajira eey gaareen guulo badan ha ahaadaan mid Hormar, mid Dib-uheshiisiin iyo mid Dhaqaale.
  • Waxaa kula haboon inaa inaa garato awoodaada cududeed iyo mid dhuleed ee aad ka koobantahay ee hadane adiga iyo isirkaagaba wali dabandaab-yeentaada lagula howlanyahay.
  • Waxaa ku la haboon inaad ogaato, haddii aadan yeelan maamul, Dib-uheshiisiin, kaladambayn iyo hoggaan fiican, inaadan dadkaaga iyo mid kale toona wax tari doonin.
  • Waxaa ku la haboon inaad aruuriso awooddaada oo aad si habaysan u hawlgasho, waxaa hubaal ah inaad cadawgaaga iska difaaci doontid, Maamulkaaga iyo dadkiisana wax weyn tari doonto.
  • Waxaa ku la haboon inaad ogaatid haddii aadan gudahaaga ka abaabulin kaladambayn, is-tixgelin iyo ku-midaysnaanta danta guud, waxaa hubaal ah in liidashada aad hada kujirto lagugu haadsan doono, dadkaaguna silic, saxariir iyo kala xirnaashaha kusii waari doonaan.

HABACSANAAN IYO HORMAR LA ISKUMA HELO


Qoraa:- Abdirizak Ali Tajir

Kala xiriir:- 00905531710490/ 00252615587465/ 00252615206230/ 00252615825475

Cinwan:- crisaaqali@gmail.com

ASTAAMAHA SIYAASIGA SOOMALIGA

 

ASTAAMAHA SIYAASIGA SOOMALIGA








Siyaasiinta Soomaalida

Guud ahaan siyaasiga  waa saddex nooc:

1.      Mid cunno ah

2.      Mid daawo ah

3.      Mid sun ah.

Kan cunnada ah waa Hoggaamiyaha/ Siyaasiga mar walba loo baahan yahay, oo bulshadiisa anfaco maalin walba sidii cunnada oo kale.

Kan daawada ah waa Hoggaamiyaha/ Siyaasiga xalka looga baahdo markay dhibtu timaaddo sida daawada oo kale.

Kan sunta ahina waa Hoggaamiyaha/ Siyaasiga shacabka walaalaha ah kala dilo, oo qaarna ka dhigo kuwo eeganaya kaalmo shisheeye, qaar kalena ka dhigo kuwo qurbaha qaxooti ku ah.

 

Astaamaha Siyaasiga Soomaalida

    Waa eedayn iyo dhaleecayn badan yahay, isagoon tusaale loo qaateena keeni karin, buu jecel yahay inuu cambaareeyo oo eedna dusha uga tuuro madaxdii hore

Waa xaflado badan yahay, isagoon waxyeello mooyee aan waxtar laga arag.

waa qudbada badan yahay, hadane mlaha oraaho laga xigto ama halhaysyo waayaha dambe halhays noqda

Waa cabanayaa, gooddinaya oo cartamayaa, sidaasna waxay la tahay inuu garawsho ku heli doono

Waxa uu sheegtaa Aqoon-yahannimo, hadane hab-dhaqankiisana aqoon ka ma muuqato

Waa tuug soo jabay haddana wuxuu u dhaqmaa sidii isagoo dhawrsan

Wuxuu cuskadaa awoodda qolodiisa, ama qabiilkiisa haddana qolana wax ma taro

Sidii isagoo waddani ah buu u murmaa, haddana waa dhagar-qabe aan ka gabbanayn waxyeellaynta dalka iyo dadka.

 

Qoraa:- Abdirizak Ali Tajir
Kala xiriir:- 00905531710490/ 00252615587465/ 00252615206230/ 00252615825475
Cinwan:- crisaaqali@gmail.com