Thursday, August 27, 2020

ASTAAMAHA SIYAASIGA SOOMALIGA

 

ASTAAMAHA SIYAASIGA SOOMALIGA








Siyaasiinta Soomaalida

Guud ahaan siyaasiga  waa saddex nooc:

1.      Mid cunno ah

2.      Mid daawo ah

3.      Mid sun ah.

Kan cunnada ah waa Hoggaamiyaha/ Siyaasiga mar walba loo baahan yahay, oo bulshadiisa anfaco maalin walba sidii cunnada oo kale.

Kan daawada ah waa Hoggaamiyaha/ Siyaasiga xalka looga baahdo markay dhibtu timaaddo sida daawada oo kale.

Kan sunta ahina waa Hoggaamiyaha/ Siyaasiga shacabka walaalaha ah kala dilo, oo qaarna ka dhigo kuwo eeganaya kaalmo shisheeye, qaar kalena ka dhigo kuwo qurbaha qaxooti ku ah.

 

Astaamaha Siyaasiga Soomaalida

    Waa eedayn iyo dhaleecayn badan yahay, isagoon tusaale loo qaateena keeni karin, buu jecel yahay inuu cambaareeyo oo eedna dusha uga tuuro madaxdii hore

Waa xaflado badan yahay, isagoon waxyeello mooyee aan waxtar laga arag.

waa qudbada badan yahay, hadane mlaha oraaho laga xigto ama halhaysyo waayaha dambe halhays noqda

Waa cabanayaa, gooddinaya oo cartamayaa, sidaasna waxay la tahay inuu garawsho ku heli doono

Waxa uu sheegtaa Aqoon-yahannimo, hadane hab-dhaqankiisana aqoon ka ma muuqato

Waa tuug soo jabay haddana wuxuu u dhaqmaa sidii isagoo dhawrsan

Wuxuu cuskadaa awoodda qolodiisa, ama qabiilkiisa haddana qolana wax ma taro

Sidii isagoo waddani ah buu u murmaa, haddana waa dhagar-qabe aan ka gabbanayn waxyeellaynta dalka iyo dadka.

 

Qoraa:- Abdirizak Ali Tajir
Kala xiriir:- 00905531710490/ 00252615587465/ 00252615206230/ 00252615825475
Cinwan:- crisaaqali@gmail.com

No comments:

Post a Comment

Thanks