Waligaa imtixaan inaa gashay natiijadiisa masugtay 2 sano?
Waa Qiso aan kasameeyay dhamaan dhalinta kusugan wadanka somalia.
Waxaan kudhashay oo aan kusoo bar baaaray magaalada muqdisho. Waxbrashii dugsiga hoose iyo dhaxe waxaa kusoo qaatay magaalada Muqdisho ayadoo jirto xaalad adag oo dagaaladu daqiiqad walba la filan karo. Sidoo kale dugsigeeygii sare waxaan kusoo qaatay isla magaalada Muqdisho.
Xaalka aad ayuu u adkaa noloshu waxeey aheeyd mid cakiran mararka qaar imtixaanaadku masaajid ayaa ku gali jirnay. İnaad nabad kusoo laabato waxeey aheeyd wax aad u yar.
Waalidkeyga markeey baxayaan weey dar daarmi jireen Qofka baxaa inuu nolol kusoo laabto waxeey aheeyd %30.
Dhibkasta oo dhaca marnaba uma deeynin waxbrashadeeydi ilaaa Heer jaamacadeed aan gaaro. Wadanka dib buu usoo hagaagay.
Waxaa si nabad ah kudhameystay Waxbrashada Heerkii koowaad ee jaamacada waliba Jaamacad kamid ah jaamacadaha ugu tayada badan wadanka.
Waxaa raadis ugalay Shaqo iyo inaa Helo mirahii aan rafaadka badan usoo maray waliba xaalada adag aan usoo maray.
Nasiib darro Qof iyo garab midna maan heeysan oo igu caawiyo shaqo maadaama shaqadii wadanka kajirtay ay tahay Qolo- Qolo.
Waxaan aaminsanaa hadii si cadaalad ah shaqaalaha loo qaato inaaa heli lahaa shaqadii aan rabay. Balse kama quusan oo shaqa kasta oo lasoo bandhigo waaan xareeysan jiray.
Waxaan imtixaan ugalay in kabadan 20 shaqo oo aan Short list kusoo baxay, Balse jawaab kama helin in aan ku guuleeystay iyo in aan kudhacay imtixaanadaas.
Hada oo laga joogo 2 sano imtixaanadaas Wali jawaab kama helin balse kama quusan oo waan sugaa jwbta imtixaanadaas.
Waligaaa inaa imtixaan gashay natiijadiisa masugtay waqti intaa la eg.
Jawaabta aad filaneeyso waa nuucee?
Mahadsanidiiin.
Fikradii:- Abdirizak Ali Tajir
Qoraa:- Abdirizak Ali Tajir
Kala xiriir:- 00905531710490/ 00252615587465/ 00252615206230/ 00252615825475
Cinwan:- crisaaqali@gmail.com
😢
ReplyDelete