Friday, March 18, 2022

Fursad iyo Braarujin

 Fursad iyo Braarujin

Dagaalka ka socdo dalka Ukarine ee u dhaxeeya Russia iyo Ukarine dunida wuxuu ku keenay qal-qal aad ufara badan, ha ahaado dhibaaatada dagaalka, iyo bur bur dhaqaale kaasoo saameyay dunida oo idil.

Ka sokoow burburka dhaqaale wuxuu sababy cunto yari soo wajahday wadama badan, maadaama ay ku tiirsanaayeen wax soo saarka qamadiga iyo saliid ee dalka Ukarine.

Wadama badan ayaa waxeey ku baraarugeen dhibaatada ay leedahay in lagu tiirsanaado wax soo saar wadan kale. Durba waxeey sameeysteen qorshooyin kale oo ay uga maarmi karaan dhibaatadaa cunto yarida ee soo wajahday.

Soomali ahaan nolosheena oo idil waxeey ku tiirsantahy wax dibada laga keeno ama lasoo dhoofiyo bal kawaran 1 wadan uu dagaal ka dhacay saameynta ay wadama awood badan ku yeelatay. Anagu dhibaato intee la eg Ayaan nasoo wajahi karta maadaama nolosheena oo idil wax dibada laga soo dhoofiyo ku xerantahy.

Saliida manta dunida ka yaraatay oo laga sameeyo geedka (sunflower) ka, soomali ahaan lagu magcaaabo Gabal-daye cimilo ahaan waa mid aad ugu haboon kana bixina kara wadankeena. Wuxuuna kamid yahay dhirta ganacsi ahaan looga beerto Somalia (commercial crops)

Waxeeynu heeysanaa fursado ganacsi oo dahabi ah kuwaa oo dhaqaale ahaan kor ugu qaadi karno wadankeena ugana kaaftoomi karno kasoo dhoofiska dibada.

Hadii aan ku tiirsanaanta dibada aan la yeereyn dadku waxeey noqon doonaan kuwa aan awoodin soo iibsadasha walxaha lasoo dhoofiyo, Noloshuna waxeey noqon doontaa mid aad u adag.


Qoraa:- Abdirizak Ali Tajir

Kala xiriir:- 00905531710490/ 00252615587465/ 00252615206230/ 00252615825475

Cinwan:- crisaaqali@gmail.com

2 comments:

Thanks