Ka
sokoow col-shisheeyaha iyo col-kalkaalka ku soo duulay oo gumaadaayo dalka,
dadka iyo duunyadii Soomaliyed.
Hadii cod kuu hadla iyo cudud kuu hiilisa ka weyday
xubnahaaga kugu matala dawlad-u-yaalka federalka ee aad ka tirsantahay, mid
guud iyo mid gaar ahaaneedba.
Hadii dareen kuu damqada aad ka weysay intii badnayd Ugaasyadaadi,
Isimadaadi, Imaamyadaadi, Wabaradaadi. Maxaa Hirshaballooy ku la Haboon?
- Waxaa ku la haboon inaad ogaato ama garato in maanta maamulkaaga iyo dhulkaaga uusan xor ahayn, dawlad qummanna lahayn oo u adeegta dadkaaga dagan hirshabeelle.
- Waxaa ku la gudboon inaad ogaato in Maamulada wadanka kajira eey gaareen guulo badan ha ahaadaan mid Hormar, mid Dib-uheshiisiin iyo mid Dhaqaale.
- Waxaa kula haboon inaa inaa garato awoodaada cududeed iyo mid dhuleed ee aad ka koobantahay ee hadane adiga iyo isirkaagaba wali dabandaab-yeentaada lagula howlanyahay.
- Waxaa ku la haboon inaad ogaato, haddii aadan yeelan maamul, Dib-uheshiisiin, kaladambayn iyo hoggaan fiican, inaadan dadkaaga iyo mid kale toona wax tari doonin.
- Waxaa ku la haboon inaad aruuriso awooddaada oo aad si habaysan u hawlgasho, waxaa hubaal ah inaad cadawgaaga iska difaaci doontid, Maamulkaaga iyo dadkiisana wax weyn tari doonto.
- Waxaa ku la haboon inaad ogaatid haddii aadan gudahaaga ka abaabulin kaladambayn, is-tixgelin iyo ku-midaysnaanta danta guud, waxaa hubaal ah in liidashada aad hada kujirto lagugu haadsan doono, dadkaaguna silic, saxariir iyo kala xirnaashaha kusii waari doonaan.
HABACSANAAN IYO HORMAR LA ISKUMA HELO
Qoraa:- Abdirizak Ali Tajir
Kala xiriir:- 00905531710490/ 00252615587465/ 00252615206230/ 00252615825475
Cinwan:- crisaaqali@gmail.com
Indheer garad ayaad tahay
ReplyDeleteThanks sxb
DeleteWaa sxbkaa saciid royal
ReplyDeleteMasha allh
ReplyDelete